shaqaalihii bangiga iyo haweneydii $10 rabtay !

waxaa dhacday in haweeney ay damacday in ay lacag kala soo baxdo bangi ku yaalay xaafad ay daganeed waxa ay saf dheer u gashay in ay la baxdo lacagtii ay rabtay markii ay soo gaartay qasnad hayihii bangiga ayey u dhiibtay warqad lacag baxsasho ah oo ay ku qorantahay $10 run ahaantii aadbuu ugu xanaaqay qasnad hayihii maamada waxa ay waqtiga kaga lumisay waxa uu ku yiri asagoo xanaaqsan orod oo banaankaa kala bax waxaan waqti uma haynee

waxaa dhacday in ay isdajisay haweneydii ayada oo jawaab ugu dhigtay in ay qaadatay warqad agteeda taalay kuna qortay $20000 ( labaatan kun oo dolar ) una dhiibtay qasnad hayihii kuna tiri hadii ay yartahay lacagtii hore fadlan waan kaa badalay ee lacagtaan isiii !

waxaa dhacday markii uu arkay qasnad hayihii lacagta warqada ku qoran inta ay la eg tahay in uu dhoola cadeeyo kuna dhaho maamo lacagtaan hada ma heli kartid aad bey u badantahay waa in aan kuu dalabnaa oo aad biri imaado

haweneydii waxa ay ku dhahday qasnad hayihii uma qalantid in aad halkaan ka sii shaqeyso waxaad tahay qof dhaqan xun oo macaamiisha si xun ula dhaqmo waa in aan la kulmaa maamulka mesha waxaa dhacday in uu ka codsado in aysan dacweyn sidoo kalana uu dabeecadiiisa wax ka badalaayo raalina ka ahaato

ha weneydii waxa ay ugu jawaabtay waxaad haysaan lacagteenii in aad haysaan lacagteena ayaad mushaar ku qaadataa markaas ayaad waxaad u dhaqmeysaa in aad tahay qof ka sareeyo macaamiisha waxaa dhacday intii ay ku qeylineysay in ay qaadatay waqti badan in kastoo si toos ah ay wax u fahansiiisay ugu dambeyn maamadii waxa uu u soo bixiyay $10 waxa uuna ku yiri raali ahoow ha naga qaadan waxa lacag ah ee aan maanta ugu talagalnay in aan macaamiisha ugu adeegno

Leave feedback about this

  • Quality
  • Price
  • Service
Choose Image