Mishiin aadame-u-eke ah (Robot) ayaa 24 kii Julaay, wiil 7 sanno jir ah oo shax la ciyaarayey far ka jebiyey.

Mishiin aadame-u-eke ah (Robot) ayaa 24 kii Julaay, wiil 7 sanno jir ah oo shax la ciyaarayey far ka jebiyey. Waxaa sidaas wakaaladda wararka Ruushka ee Tass u caddeeyey Sergey Lazarev oo ah madaxweynaha xidhiidhka ciyaarta shaxda ee dalkaas.

Muuqaallo baraha bulshada aad ugu faafayna ayaa laga arkay wiilka oo isku dayey in uu mishiinka ka ceshado mid ka mid ah madaxyadiisa shaxda oo uu si qalad ah u qaatay. Kaddib, mishiinkii ayaa inta uu wiilkii farta qabto si xoog ah u maroojiyo illaa ay jabtay. Afar qof oo waaweyn ayaa ku soo orday oo dirqi kaga furfuray isaga oo malaha fartaba goyn lahaa.

Kombiyuutarkan waxaa la baray in ciyaarta markiisa uu isagu leeyahay, marka qofka kalana uu sugo, sidaas awgeed sida uu Sergey sheegayo, sida saxda ahi waxa ay ahayd in wiilku uu sugo inta uu dhammaysanayo, kaddibna markaas uu saxo waxa qaldamay. Tallaabada uu qaaday wiilkana waxa uu ku tilmaamay in ay meel kaga dhacday xeerarkii ammaanka ee la baray aadame-u-ekahan.

Aadame u ekahan xanaaqiga ah, warkiisu waa arrin dhif ah oo dunida oo dhan la yaab ku noqotay, laakiin maaha markii ugu horreysay ee maskaxdan aadamuhu sanceeyey ay ku kacdo ficillo u dhigma kuwa laga filanayo maskaxda caadiga ah ee bani’aadamka. Hore waxa aynu u ogeyn in farsamayaqaan sare oo ka tirsan shirkadda Google uu fashiliyey, siro culus oo muujinaya in kombiyuutarrada aadame-u-ekaha ah ee shirkadda Google ay qaarkood yeesheen dareen la mid ah midka aadamaha. Xitaa waxa uu faafiyey sheeko dhex martay oo uu kombiyuutarkani ku doodayo in la siiyo xuquuq la mid ah midda aadamaha kale ee shirkadda u shaqeeya, loona aqoonsado shaqaale rasmi ah, halka imika uu ka yahay hanti ay shirkaddu leedahay.

Waxaa isaguna jira waxa aynu ku tilmaami karno ‘Mataanka Kombiyuutarka / Digital ka ah’ (Digital Twin) oo sannado badanba marxalado kala duwan soo maray, laakiin la filayo in sannadka 2030 la gaadhsiiyo meel halis ah. Waa kombiyuutar leh garaad-samays ah oo awood u leh in qofka ama shay kale oo teknoolajiyad ku shaqaynaya uu ka barbar shaqeeyo, isaga oo adeegsanaya maskaxda iyo teknoolajiyadda qofkaas ama shaygaas kale.

Waa sida adiga oo shaqaynaya oo mataan kale oo aadame u eke ahina uu shaqadii kula laba-gacmoodinayo, isaga oo u qabanaya si la mid ah sida aad adigu maskaxda ku hayso ama aad u qaban jirtay marka hore.

Waxaana jirta cabsi laga qabo in marka dambe lagu guulaysto dhammaystirka kombiyuutar leh awooddii maskaxeed ee qofka oo isagu iskii isu maamulka, sidaasna aadamuhu ku shaqo beelo.

Haddii aanad hore u maqalna, warbixin uu sannadkii 2021 kii diyaariyey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo ka hadlaysay hubka sharcidarrada ah ee loo tahriibiyo kooxaha ku dagaalamaya dalka Liibiya, waxaa lagu sheegay in dhulka Liibiya lagu arkay Mishiin leh garaad Aadame-u-eke ah oo dadka rasaas nool ku dilaya. Warbixintan qaramada midoobey waxa ay sheegtay in mishiinkaasi uu sannadkii 2020 kii dad ku dilay dalka Liibiya.

Cilmibaadhis natiijadeedu soo baxday sannadkii 2015 kiina waxaa lagu caddeeyey in mishiinnada leh garaadka aadame-u-ekuhu ay sannad kasta ugu yaraan hal qof ku dilaan dalka Maraykanka. Iyada oo bishii July 2022 kana ay soo baxeen warbixino caddaynaya in hoggaanka sare ee wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanku uu qorshaynayo ballaadhinta iyo horumarinta waxsoosaarka mishiinnada leh garaadka samayska ah ee awoodda u leh in ay dagaallada ka qaybgalaan, iyaga oo buuxin karaya kaalitna askarta, iyo dhammaan gaadiidka iyo qalabka kala duwan ee ciidamada oo ay ku jiraan gaadiidka gaashaaman, diyaaradaha dagaalka, dabaabadaha iyo doonyaha dagaalka. Tallaabadan waxa uu Marayanku kaga jawaabayaa warar hore u soo baxay oo sheegaya in Ruushka iyo Shiinuhu ay wadaan iskaashi meel fiican u maraya oo ay wadajir u soo saarayaan qalabka Kombiyuutarrada. Diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn iyaga warkoodu waa cad yahay oo hore ayaa loogu guulaystay.

Waxaas oo dhan oo jira, haddana weli waxaa xaqiiqo ah in xogo badan oo intan ka sii khatarsan ay shirkadaha sameeya qalabkan iyo dawladaha waaweyniba ay qarsanayaan, si ay ula sugaan dhammaystir ay dunida kaga yaabiyaan, ama uga hortagaan in waxsoosaarkooda la curdin dhadhiyo ka hor inta aanu dibadda u soo bixin.

HADDABA, adiga akhriste, halkee ayaa ay kula tahay in ay ku socoto farsamada kombiyuutar ee aadamuhu, ma se filaysaa in kombiyutarrada aadame-u-ekaha ah iyo guud ahaan garaadka samayska ahi ay mustaqbalka khatar ku noqon doonaan aadamaha sanceeyey??!!!!

Leave feedback about this

  • Quality
  • Price
  • Service
Choose Image