Lahaanshaha Labo aabe waxay isiisay Dooqa ah isbarbardhigida labo aragti:
Mid nin qani ah iyo mid nin faqiir ah
waxaan lahaa labo aabo, mid qani ah iyo mid faqiir ah, mid aad ayuu wax garad u ahaa oo u caqli badnaa, wuxuu hey stay shahaadada PhD, wuxuuna waxbarasho afar sano ah ku dhameystiray in ka yar labo sano, kadibna wuxuu galay jaamacada Stanford, Jaamacada Chicago, iyo Jaamacada Northwestern si uu u helo waxbarashadiisa sare, kuligoodba waxay ahaayeen deeqooyin waxbarasho oo
dhameystiran, aabaha fasalkiisa sideedaad.
labada nin waxay
xirfadooda, iyagoo si adag u shaqeeyay noloshooda, labadana soo xareeyay dakhli la taaban karo, sidaas oo ay tahay mid ayaa marwalba la halgamayay lacagta, midka kale wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah nimanka ugu qanisan Hawaii, mid ayaa dhintay asagoo oga tagay tabanaan milyan qoyskiisa iyo sadaqo, midka kale wuxuu ka tagay biil la iska sii bixiyo.
labada nin way a wood badnaayeen, burji iyo saameyn badnaayeen, labadana waxay iisoo bandhigeen talo, balse maynan igula talinin wax isku mid ah, labada nin waxay si xoogan u aaminsanaayeen waxbarashada balse maynan igula talinin koorsooyin waxbarasho oo isku mid ah.
hadii aan yeelan lahaa hal aabo oo kaliya, waxaa aqbali lahaa ama diidi lahaa taladiisa, lahaanshaha labo aabo waxay I siisay dooqa ah isbarbardhigida labo aragti: mid nin qani ah iyo mid nin faqiir ah.
intaan si fudud u aqbali lahaa ama u diidi lahaa mid ama midka kale, waxaan is arkay anigoo fikiraya isbarbardhigaya kadibna nafsadeyda dooqanaya, dhibaatada waxay aheyd in ninka qaniga uusan wali qani noqon, ninka faqiirka ahna uusan wali faqiirin, labada waxay markaas bilaabanayeen xirfadahooda, waxayna la halgamayeen lacagta iyo qoyska balse waxay lahaayeen aragtiyo kala duwan ee dhinca lacagta.
Tusaale ahaan, hal aabe wuxuu dhihi lahaa “Jaceylka lacagta ayaa ah xididka xumaan walba” midka kale wuxuu dhahay “lacagta oo yar ayaa ah xididka xumaan walba”.
cunug yar anigoo ahaa lahaanshaha labo aabo oo awood badan saameyntooda way adkeyd, waxaan rabay inaan noqdo wiil fiican oo aan dhageysto, balse labada aabe maysan oranaynin wax isku mid ah, kala duwanaansha aragtiyadooda gaar ahaan dhinaca lacagta waxay aheyd mid xad dhaaf ah ilaa aan weynaaday anigoo danaynaya oo xiisaynaya, waxaan wax badan ka fikirayay waxa mid walba uu sheegahayo.
waqtigayga qaas ah waxaan ku qaatay anigoo tarjumaya, isna weydiinaya su’aalaha sida “muxuu sidaas u yiri?” kadibna iska weydiinaya aabaha kale fikradiisa isla su’aasha, way fududaan laheyd inaan si fudud u dhaho “haa, sax waaye, waan ku raacsanahay” ama si fudud u diido aragtida anigoo dhahaya “odaygaan duqa wuxuu ku hadlayo ma yaqaano”, lahaanshaha labo aabe kuwaas oo aan jeclaa waxay igu qasabtay inaan fikiro ugu dambeyna
Leave feedback about this